Shir: Wadatashiga Bulshada Soomaaliyeed ee Bristol – 10 January 2015
Dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Bristol waxa loogu baaqayaa in ay ka soo qaybgalaan shirka wadatashiga bulshada, kaas oo si gaar ah loogu qaadaa-dhigi doono arrimo la xidhiidha waxbarashada caruurta, dhalinyarada iyo horumarinta bulshada.

Shirkani waa shir wadatashi ah, waa shir ka madaxbanaan siyaasad iyo wixii la xidhiidha; waa shir ujeedadiisa ugu muhiimsani tahay in bulshada Soomaaliyeed ee magaalada degani ay helaan madal ay isku xog-waraystaan, dib u jaleecaan wixii u qabsoomay sannadkii la soo dhaafay iyo waxyaabaha qabyada ah.
Sidoo kale shirkani wuxuu bulshada siinayaa fursad ay kaga faalloodaan caqabadaha hortaagan iyo sidii xal loogu heli lahaa – gaar ahaan dhinaca barbaarinta iyo waxbarashada carruurta, aqoonta iyo xirfadaha dhalinyarada, iyo horumarka iyo isku-duubnida ama isku-xidhnaanta bulshada. Taa waxa dheer, in dhalinyarada iyo waalidiintuba ay helidoonaan fursado codkooda lagu maqlo, si wadajir ahna u qorsheeyaan waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay doonayaan in ay qabtaan ama u qabsoomaan – mustaqbalka dhow iyo ka fog labadaba.
Haddaba, Mudenayaal iyo Marwooyin, sida kor ku xusan shirkani wuu ka madaxbanaan yahay siyaasad iyo wixii la xidhiidha, sidaa daraadeed waxaanu idinku dhiirigelinaynaa in aad ka soo qaybgashaan shirkan wadatashiga ah ee loogu talogalay in bulshada Soomaaliyeed ee magaalada degani ay isku xog-waraystaan, si wadajir ahna uga wadatashadaan horrumarinta bulshada iyo sidii wax looga qaban lahaa waxyaabaha caqabadda ku ah horumarkooda – haddii ay tahay dhinaca waxbarashada, kobcinta garaadka ilmaha (mid dhaqameed iyo mid diimeedba), fal-dembiyeedyada dhalinyarada, mukhaadaraadka, iwm. Waxaan ku rajo weynahay in madashaa aan isku arki doono, qof kastaana uu kaalin wax ku ool ah ka qaadan doono.
Mahadsanid.
Goorma: Sabti, 10 January 2015
Goortee: 5:00 pm – 7:30 pm
Goobtee: Trinity Centre, Trinity Road, Bristol BS2 0NW
Wixii faahfaahin ah fadlan kala soo xidhiidh:
Siciid Maxamed Buraale: 07423 062485
Khaliil Aadan Cabdi: 07557 510546
Conference: Consultative Somali Community in Bristol – 10 January 2015
Consultation: Youth Affairs, Education & Community Development
All of the Somali community living in Bristol for calls from the community consultation meeting, which specifically address issues related to education will make children, youth and community development.
Bristol Somali Community Meeting – 10 Jan 15
This is a consultative meeting, the meeting is an independent policy and related; Purpose of the meeting is the most important thing is that the Somali community-driven access to information about the platform, refer back to what has been achieved over the past year and the draft.
Also, the conference will give the community an opportunity to comment on the challenges and find solutions – especially in the education and upbringing of children, young people the knowledge and skills, and the development and unity or social cohesiveness. In addition, young people and parents get an opportunity to be heard, and together plan the most important things they want to do or have done – in the near future and away from both.
Now, Mudenayaal and Gentlemen, as noted above, the conference is an independent policy and related, so we encourage you to attend a consultation meeting for the Somali community in the same data–driven interview, to collectively to consult social development and to address the factors limiting development – whether it‘s education, children’s intellectual development (including cultural and spiritual), youth crime, drugs, etc. I hope that my speech will be seen, and each person‘s role would be effective.
Thank you.
When: Saturday, 10 January 2015
When will: 5:00 pm – 7:30 pm
Where: Trinity Centre, Trinity Road, Bristol BS2 0NW
For more information please contact:
Said Burale: 07423 062485
Khalil Aden Abdi: 07557 510546
